Nagu saabsan
Hayaan Institute waa Maxad (Mac-had) ku talagalkiisu yahay in lagu barto Afsoomaaliga. Waa talo iyo higsi uu hindisay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guribarwaaqo) IHN. Waxa laga hayaamayaa habkii hore ee barashada Afka iyo Suugaanta. Waxa loo hayaamayaa adeegsiga tiknoolajiyadda cusub.Maxadka Hayaan waxa uu mustaqbalka diyaarinayaa manhajkii lagu baran lahaa Afsoomaaliga. Taas oo lagu salaynayo cilmiga sayniska ee afafka Linguistics.
Hawshaa uu Cabdiraxmaan bilaabay oo isugu jirta dhawr laamood, waxa ka mid ah : Laaxinjire, Higgaadjire iyo Asoore.
Laaxinjire isagu waa barnaamij aad ku hubsan karto badaha maansada. Barnaamijkaas oo uu farsamo ahaan diyaariyey Hussein Yusuf Liban, laakiin uu Cabdiraxmaan u adeegsaday miisaanka maansada aragtidii Maxamed Xaahi Dhamac (Gaarriye).
Hawshaa bilawga ahayd, waxa geeridii Cabdiraxmaan kadib halkaa ka sii qaaday xubno dareemay in loo baahan yahay in halkaa laga sii ambaqaado. Maaddaama loogu talo galay inay ka faa’iidaystaan dhammaan dadka Soomaalida ah iyo cid kasta oo danaynaysa barashada afka iyo Suugaanta Soomaalida. Xubnahaas oo kala ah: --------
Maansadan kooban waxa curiyey Cabdiraxmaan C. Faarax “Guribarwaaqo” (2023)
Hayaan baa lagu tashaday
Higsigu waa meel qudhoo
Hir doog laa loo socdaa
Aqoon baa lagu hodmaa
Hayaanka qofkii hadhow
Abaar baa kuu hantiya
Haleelo la soo dhacdaa
Hammuunta ma kaa tirtee
Hayaanka ku soo dhowow